Somali News

Ciidamada NISA oo maanta gudaha u galay deegaan lagu arkay Al-Shabaab

Kolonyo ka tirsan ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ( NISA) ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Barujeed oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Deegaanka Barujeed ayaa shalay waxaa la sheegay in ay gudaha u soo galeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona la sheegay in dadka deegaanka ay arintaasi cabsi badan ku abuurtay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee galay deegaanka ay dib ugu baxeen, islamarkaana haatan ay maamulayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Gaanyac Cabdulle Taliyaha Nabadsugida Guriceel oo Hugaaminayey Ciidamada nabad sugida Soomaaliy ee gaaray deegaanka Barujeed ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, islamarkaana ammaanka deegaanka ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada NISA ay si wadi doonana howlgallada ka dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab ilaa iyo laga saaro deegaanada ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada NISA ee maanta gaaray deegaanka Barujeed ayaa waxaa ay bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga.