Somali News

Ciidamada NISA oo qabtay xubno badan oo ka tirsana Al-shabaab

Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay xubni badan oo ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab, kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.

Ciidamada ayaa soo bandhigay 12 xubnood oo Kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dhinacyo kala duwan, sida dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta lacagaha.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in Xubnaha lasoo qabtay ay ku sugnaayeen goobo kala duwan balse howlgallo la sameeyay lagu helay xogtooda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada Amniga ee ku sugan deegaanada K/Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.