Somali News

Ciidamada NISA oo soo bandhigay meydka iyo dhaawaca Xubno Al-shabaab ah oo weerar ka geysan rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo labo xubnood oo ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

“Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Telefishanka Qaranka

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.