Somali News

Ciidamada NISA oo xiray Afhayeenka maamulka Galmudug

Muqdisho-KNN-Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa maanta xiray afhayeenkii maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax sida Idaacada Kulmiye ay u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Galmudug.

Mr Roob da`ay ayaan la ogeyn sababta loo xiray laakiin waxaa la xaqiijiyay in ay xireyn Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya xili maalmihii dambe uu ku sugnay magaalada Muqdisho.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo xiraga Afhayeenka maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax.