Boosaaso-KNN- Wararka ka imaanaya deegaanka Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in xalay ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen kooxda Daacish.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay dagaalka, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka maamulka Puntland.
Ciidamada Puntland iyo Daacish ayaa dhowr jeer ku dagaalamay qeybo ka mid ah Gobalka Bari.