Somali News

Ciidamada Puntland oo baneeyay fariisin ay ku lahaayeen G/Bari.

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Galgala ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira Booliis iyo Daraawiis  ay  ka soo baxeen  deegaankaasi, islamarkaana ay  halkaasi la wareegeen Al-Shabaab.

Ciidamadan oo aan tiradooda la sheegin ayaa u soo ruqaansaday deegaan aan sida uga fogayan halkii ay ka soo guureen oo lagu magacaabo Jimbac oo ka tirsan gobalka Bari.

Ilaa iyo hada lama  sababta ay ciidamadan uga guureen  fariisinkii ay ku lahaayeen Buuralayda Galgala ee gobolka bari,balse wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan mudo dhowr bilood ah uu ka maqan yahay mushaharkii ay qaadan jireen.

Maamulka Puntland ilaa iyo hada kama  hadlin bixitaanka ciidamada.