Somali News

Ciidamada puntland oo bilowday dagaal ka dhan ah kooxaha wax tahriibiyaha

Boosaaso-KNN-Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howgal lagu dagaalamayo kooxaha wax tahriibiya ka wada Magaalada Boosaaso Gobalka Bari.

Goobaha dadka ay ka tahriibaan ayaa waxa lagu arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland, kuwaasi oo wada sidii ay kaga hortagi lahaa shaqsiyaadka wax tahriibiya.

Dadka wax tahriibiya ayaa ka qaada dadka dekedda magaalada Boosaaso waxaana inta badan ay ku qaadataa laba ama saddex maalmood inay ku gaaraan dalka Yemen.

Dadka tahriibaya ayaa waxa ay safaradan oo ah kuwo aad qatar u ah, u galaan inay helaan nolol wanaagsan iyo shaqooyin ay ka helaan dalka Saudi Arabia iyo wadamada kale ee ku yaala gacanka.

Kumanyaal qof ayaa waxa lagu daadiyaa biyaha, iyagoo lagu qasbo inay ka degaan doomaha ka hor inta aanay gaarin xeebta dalka Yemen.