Uncategorized

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Nin qore kala fakaday,

Qardho-KNN-Saraakiisha amaanka amaanka magaalada Qardho ee gobalka Kar-kaar ee Puntland ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyya in Ciidamada amaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Askari ilaalo u ahaa mid ka mid ah Wasiiradii Xilka laga qaaday ee puntland kaas oo qorigii uu watay la baxsaday.

Laamaha amaanka ayaa Xaqiijiyay in Ninkan ay ku raad joogeen ciidamada Booliska maalmihii la soo dhaafay in la soo qabto ayaa Saraakiishu waxay sheegeen in ay ku gacan siiyeen Dadka deegaanka Magaalada Qardho.

Madaxda laamaha amniga ee Puntland ayaa sheegay in dhamaan Kontaroolada Puntland ee gudaha magaalooyinka iyo kuwa looga baxo Puntland ay dhigeen Ciidan laguna wargilyay in ay soo qabtaan taasina ay fududeysay soo qabashada Askarigaan.

Lama oga sababta keentay in Askarigaan uu la baxsado Qoriga, Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay dib ka faah faahin doonaan Waxyaabihii keenay in Askariga uu la baxsado Qorigii uu watay.