Somali News

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay rag kufsi ka geystay Garoowe.

Garoowe-KNN-Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Rag kufsi ka geystay Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Raggaan ayaa lagu eedeeyay in ay kufsadeen Haweenay Uur leh kadibna ay dileen, waxaana falkan uu argagax ku abuuray Shacabka ku dhaqan Magaalada Garowe.

Saraakiisha amaanka ee Maamulka Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay warbaahinta u soo bandhigeen raggaan ay ku eedeeyeen in ay kufsi ka geysteen Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ku soo kordhay falalka la xiriira Kufsiga, iyadoona dhacdooyinka sidan ookale ay kala dhaceen Magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe oo ay maamusho Puntland, taasi oo saameyn ku yeelatay bulshada ku nool deegaanadaasi.