Somali News

Ciidamada Puntland oo howlgal ka sameeyay deegaano ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada PSF ee maamulka Puntland ayaa waxaa ay hawlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin Al_Shabaab iyo Daacish.

Deegaanada howlgalada ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat, oo ay ciidanka PSF heleen xogo sheegaya in degaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan, islamarkaana ay isku ugaarsadaan Al Shabaab iyo Daacish sida ay sheegeen sarakiisha PSF ee mamaulka Puntland.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.