Uncategorized

Ciidamada Puntland oo Hub aruurin ka bilaabay Magaalada Boosaaso

Boosaaso–KNN–Wasiirka wasaaradda Amniga  Puntland Axmed Cabullaahi Yuusuf Dawladd ayaa sheegay in howgalada ay ciidanka amaanku kawadaan magaalada Boosaaso yihiin kuwo lagu baadi goobayo Hubka aan sharciga aheyn ee shacabka qeybtiis haystaan .

Goobaha Ganacsi iyo Hay’adaha kale ayuu wasiirku ugu yeeray inay sharciyeystaan hubka ay hantidooda ku ilaashanayaan si loo hayo diiwaanka saxda ah  ee hubka ka baxsan kan dawladda

” Shacabka waxaan u sheegaynaa wixii hub ah ee ka weyn qoriga AK 47 inaan loo ogolaanayn inay gacanta ku haystaan oo ay isticmaalaan ” Ayuu yiri Wasiirku .

Ciidamo badan oo isugu jira Booliska , PMF iyo kuwa Madaxtooyada ayaa saddexdii berri ee u dambaysay si xooggan baaritaanno uga wadey gudaha Magaalada Boosaaso , waxaana lagu arkayey meelaha halbowlaha u ah magaalada .