Somali News

Ciidamada Puntland oo lagu qarxiyay Gobalka Barri.

Boosaaso-KNN-Wararka imaanaya inta u dhexeysa Buuraleyda Galgala iyo  Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qarax miino ay la eegteen  ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

War ay Shabaab ku daabaceen Baraha ay wararka ku faafiyaan ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaari ay sarnaayeen ciidamada puntland ay qarax kula eegteen Buuraleyda Galgala, waxaa ayna sheegeen in ay gaari uu ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gobeen gaari ay leeyihiin Ciidamada Puntland, islamarkaana ay khasaari lixaad leh ay gaarsiiyeen Ciidamada.

Sedex Askari ayay sheegeen in ay ku dhaawaceen Qaraxa ka dhacay Gobalka Barri.

Ciidamada amaanka Puntland iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish waxaa ay dhowr jeer ku dagaalameen Deegaano ka tirsan Gobalka Barri.