Uncategorized

Ciidamada Puntland oo Qabtay Doon Hub lagu soo dhex qariyay

Boosaaso–KNN– Ciidamada Badda Maamul Gobolleedka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay Doon u Rarneyd Ganacsato Reer Puntland ah oo lagu soo dhax qariyay Hub.

Doonta ayaa ku soo xiratay Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,waxaana la sheegay in ay waday Hub isugu jira kan Culus iyo midka Fudud.

Hubka ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin Qoryaha Dhashiikaha,Daba-miishaarka iyo AK-47,waxaana Saraakiisha Puntland ay sheegeen in Hubka loo waday Degaanada Gobolada Dhexe ee Bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland weli kama hadlin Wararka sheegaya in Hubka uu u socday Degaanada Maamulka Galmudug.