Uncategorized

Ciidamada Puntland oo Saakay Baaritaano ka bilaabay Degaanka Af-urur ee gobalka Barri.

Af-urur-KNN-Wararka Naga soo gaaraya tuulooyin u dhow degaanka af-urur ee gobalka barri ayaa sheegaya in saakay ciidamada amaanka puntland ay howlgalo ka wadaan degaankasi,kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada puntland ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Saraakiisha Amaanka puntland ayaa sheegay in saakay ku baxeen degaanka af-urur ee gobalka,si halkaasi ay ugu saaraan dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay saraakiisha Xaqiijiyeen in Dhawaan ay weerar ku qaadi doonaan Dagaalamayaasha Daacish iyo Al-Shabaabka ku sugan buuraha galgala,calmadow iyo degaano kale oo ka tirsan gobalka bari,maadaama halkaasi ay ku dhuumaaleysanayaan.

Xaalada degaanka af-urur ayaa saakay ah mid degan,marka laga reebo howlgalka ay ciidamada Amaanka Puntland ay howlgalo ka wadaan degaankaasi.

Mana jirto ilaa iyo hada cid loo soo qab-qabtay howlgalka ay wadaan ciidamada amaanka puntland.

Wixii ku soo kordha la soco.