Somali News

Ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday saldhigyo ku yaala Magaalada Laasa Caanood.

Laasa Caanood-KNN-Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Magaalada laasa canood ayaa ciidamo ka amar qaata Maamulka puntland ayaa xalay weerar culus waxaa ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Soomaaliland oo ku sugnaa Saldhigyo ku yaala Magaaladaasi.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Laasa Caanood  ayaa KNN  u sheegay in xaaladu magaalada ay haatan caadi tahay islamarkaana shacabku ay muujinayaan Cabsi badan,taasi oo ku aadan ciidamo taabacsan soomaaliland ay iyaguna weerar jawabaab celis u muuqda ay ku qaadaan Ciidamada puntland ee ku sugan goob aan sidaasi ugu fogeyn magaalada laasa caanood ee gobalka Sool.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii ay ciidamada Puntland ku qadeen Ciidamada Soomaaliland eek u sugnaa Saldhigyo ku yaala Magaalada laasa caanood ee gobalka Sool.

Waa markii labaad oo ciidamada Puntland  ay ka fuliyeen magaalada Laascaano mudo maalmo gudaheed ah.

Gobalka Sool ayaa waxaa xiligan ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamo kala Taabacsan Maamulada puntland iyo Soomaaliland,iyadoona marar badan dowlada dhexe iyo Beesha calaamka ay ku baaqeen in la qaboojiyo colaad,islamarkaana madaxda Soomaaliland iyo Puntland aysan hadalo xanaf ah isku mar siinin warbaahinta.