Uncategorized

Ciidamada Puntland oo weeraray deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Booasaaso-KNN-Wararka naga soo gaarayo Buuraha Goolis ee degaanka Galgala gobalka Bari ee Puntland ayaa soo sheegayo in ay halkaasi ku dagaalameyn Al-Shabaab iyo Ciidamada amaanka Puntland.

Saraakiisha amaanka ayaa KNN u sheegay in ay weerarayn Al-shabaab oo damacsanaa in ay weerar jid gal ah ku qaadaan Ciidamada Puntland laga hortagay kadibna uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Ilaa hada lama oga inta uu gaarsiisan yahay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in ay wado qorshe ay ku dooneyso in Al-Shabaab iyo Daacish ay uga saarto dhulkeeda, Labada Koox ayaa ku xoogan Buuraha Gobalka Bari ee Gal-gala waxa ayna dhowr jeer ay weerarayn Xarumaha Ciidanka Puntland.