Burco-KNN-Ciidamada amaanka Somaliland ayaa waxa ay la wareegeen xafiiska magaalada Burco uu ku lahaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo kamid ah wariyaasha madaxa banaan ee deegaanada Somaliland ka howlgala.
Coldoon ayaa waxa uu kamidyahay dadka taageerada ugu badan heysta warhaabinta Bulshada, gaar ahaan Facebook-ga iyo barta muuqaalada lasoo galiyo ee Youtube.
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa xiray ciidamada Somaliland, xarigiisa ayaana salka ku haya booqashooyin uu yimi caasimadda Umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Somaliland ayaa had iyo jeer xirta dadka usoo safra koofurta iyo bariga Soomaaliya, iyaga oona sheega in dadkaa ay ku xad gudbayaan madaxbanaanida Somaliland.


