Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu kala qaaday ciidamada isku hor-fadhiyey si ay dib ugu noqdaan xeryahoodii, kaddib markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu booqday goobaha fariisinka u ahaa ciidamadan.
Boqollaal ciidamadii diidanaa muddo kordhinta ayaa si rasmi ah isaga guurey xaafadihii ay dhufeysyada ka sameysteen.
Ciidamadaan iyo gaadiidkooda ayaa waxaa ay u baxeen gobolka Shabeellada Dhexe oo ay hore uga yimaadeen, iyagoo magaalada yimid ka dib markii xildhibaanada golaha shacabka ay muddo kordhin u sameeyeen hay’adaha dowladda.
Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.
Goobaha dib loo furay ee difaacyada u yaalleen Ciidankii muddo kororsiga ka soo horjeeday ayaa kala ahaa Xaafadaha Siigaale, Barmuudo illaa aagga Mirinaayada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wareejiyay goobaha la furay ee jidka Mirinaayada ciidanka Booliska, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska.


