Uncategorized

DHAGEYSO:-Ciidamada taabacsan Mukhtaar Roobow oo lagu dhafaayo ciidamada Dowlada

Baydhabo-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in Muqtaar Rooboow Cali Abuu Man-suur uu Maanta gaaray magaaladaasi, isagoona Baydhabo u tagay isku dhafka Ciidankiisa iyo kuw Dowladda Soomaaliya.

Wariyaha Idaacada Kulmiye ugu soo warama deegaanada maamulka Koofur Galbeed uu ka arimiyo ayaa soo warinaya in maanta magaalada Baydhabo uu soo gaaray Muqtaar Rooboow isla markaana ay socdaan dadaalada leys kugu daraayo maleeshiyaadka taabac san asaga iyo Ciidamada Dowlada ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool.

Halkaan ka dhageyso KNN Axmed Saadaq oo arimahaasi ka hadlaya.