Uncategorized

Ciidamada Uganda oo qarax miino lagu eegtay Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-Afhayeenka dhanka howlgalada ee Al-Shabaab ee Sheekh Cabdi Casiis abuu muscab ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Qarax miino oo kolonyo ka tirsan Ciidamada Uganda lagu eegtay Duleedka Magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha hoose.

Abuu muscab ayaa waxaa uu Sheegay in khasaaro ay gaarsiiyeen kolonyadan ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu Sheegay in Sedex Askari ay dileen Qaraxaasi, islamarkana labo kale lagu dhaawacay, isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in sedex gaadidka gaashaaman lagu gubay Ciidamada Uganda ee howlgalka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiraan Weli wax war ah oo ka baxay Saraakiisha Ciidamada Uganda ee qaraxa miino kula qaraxday Duleedka Magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Bilihii ugu dambeyay ayaa gobalka SH/Hoose waxaa kusoo badanayay qaraxyada iyo weerarada lagu qaado ciidamada Amisom & ciidamada dowladda ee ka howlgala gobalka shabeelaha hoose ee Soomaaliya.