Muqdisho-KNN-Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee gobalkaan Banaadir ayaa imaanaya kadib markii xalay xaafada Towfiiq ee degmadaasi lagu dilay 1 askari iyadoona dhaawac loo geystay qof shacab ahi oo goobta ka agdhawaa.
Dilka iyo dhaawaca raga geystay oo ku hubeysnaay Bastoolado ayaa la sheegay inay kabaxsadeen goobta falkaasi ay ka geysteen.
Durbadiiba ciidmada dowladda Soomaliya ee halkaasi gaaray islamarkaana sameyana howlagalada ayaa waxey u qab qabteen falkii dhacay dad badan wallow dadka qaar lagu sheegay in lasii daayay halka qaar kalane horay loo watay sida ay u xaqiijiyeen KNN goob joogayaaal lahadlay.
Dadka dagan Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobalkaan Banaadir ayaa ayaa sheegay in ay soo wajahday baqdin fara badan maadamaa ciidmada dowladda ay ugudaha ugaleen xaafadaasi kuwasi oo guryaha kala baxayay dhalinyarada joogta xaafadahooda.
Mararka qaar magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal lidi ku ah Amniga Wallow howlgalada ciidmada ay sameynayaane uu bar bar socdo.
Waxaana xusid mudan in Habeen ka hor degmada Dharkinkey ee gobalkaaan lagu dilay Askari katirsanaay milatariga soomaliya.


