Uncategorized

Ciidamada Xasilinta oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xaslinta magaalada Muqdisho ayaa xalay Howlgalo xoog leh ka sameeyay Xaafado ka mid ah degmada Shibis ee gobalka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay dhalinyaro badan oo degmadaasi ku noolaa.

Ciidanka ayaa baaritaankooda ka sameeyay Xaafadaha waxaana la baarayay Gaadiidka iyo Guryaha sidoo kala Ciidanka ayaa baarayay dhalinyarada Xaafadahaasi ku sugan.

Howlgalkii ay sameeyeen Ciidanka oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxaa lagu qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah oo intooda badan la sii daayay baaritaan ay ciidanka ku sameeyeen kadib halka qaar ka mid ahna ay Ciidanka xarumahooda ay u wateen.

Maamulka degmada Shibis oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Baaritaanadii xalay laga sameeyay degmadaasi, sidoo kale Laamaha amaanka ayaa ka hadlin Baaritaankooda.

Ciidanka Xasilinta ee magaalada Muqdisho ayaa Habeenadii la soo dhaafay Howlgalo ka waday degmooyinka gobalka Banaadir kadib dilalka magaalada oo kordhay.