Somali News

Ciidamada xogga oo lagu eedeyey isbaaroyin lasoo dhigay gobolka shabelaha Hoose

Wanlaweyn-KNN-Maamulka Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa Diidanka Xoogga Dalka ku eedeyeen in ay isbaarooyin horleh oo lagu dhibaateynayo shacabka ay dhigeyn duleed Degamada Wanlaweyn ee Gobolka Shabelaha Hoose.

Guddomiye ku xigeenka Gobolka Shabelaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay KNN ayaa sidaasi u sheegay,waxuuna intaasi sii raaciyay in ciidamadu ay dhacayaan gawaarida iskaga kala gooshta Dagmooyinka gobolka ay ciidamada shacaka saran ku xujeyaan madax furasho, islamarkaasina jirdil ay usii dheer tahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn shacabka ay kala kulmaan inta u dhaxeysa degmooyinka kala Wanlaweyn iyo Afgooye