Uncategorized

Ciidamada xooga dalka oo ku jira mid ka mid ah marxaladihii ugu adkeyd ee soo mara tan iyo markii la aas aasay

Muqdisho-KNN-Dal waliba oo dunida kamid ah marka la qiimeynayo hormarkiisa iyo awoodiisa dowladnimo waxaa meelaha ugu horeeya ee laga eego kamid xarunta gaashaandhigga.

Soomaaliya waxay xilli ahayd Liibaaxii Afrika oo ay ugu baxday Awooda ay lahaayeen ciidankeena Militariga awgii , dad badan oo xiligaa joogay marka ay sidaas maqlaan waxay xasuusanayaan waagaas iyo sida ay hormarsanaayeen Ciidankena xooga balse inta kale ee loga sheekeyay , ama ka aqriyay kana daawaday Taariiqda ayaa ay laa tahay dhalanteed waayo waxay joogaan xilli ciidankeena uu bur bursanyahay qoysaskooda na ay daruufo nololeed tii u xumeyd heysato.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, oo lagu magcaabi jiray xiligaasi Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

Iyadoo Gumeystihii Talyaaniga iyo saraakiil ka tirsanaa Booliska soomaaliya ay diidanyihiin dhismaha Ciidanka Xooga dalka ayaa lagu guuleystay in la dhiso hadaba side ayay ku dhacday waa kan Gen Maxamed Nuur Galaal oo oo kamid ah Saraakiishi hore ee Xooga dalka oo ay Idaacada Kulmiye weydiisay.

Ciidanka Xooga ayaa waagaasi ay aadlka u dhisanaayeen una xooganaayeen waxaa tabarka siin jiray hal dowlad oo ah midowgii Soofiyeeti , waxaana Gen Galaal oo sidaa inoo sheegay hada tilmamayaa in tababarka ciidanka ay bixiyaan dowlado badan oo kala duwan aysan wanaagsaneyn oo ay dhabar jab ku tahay Ciidan leh awood sare iyo Hanaan Tababar oo mideysan.

Qabka iyo muraalka qof walba oo bini`aadamka ah ayaa kamid ah waxyaabaha saameeya wax qabadkiisa  qof ahaaneed iyo guulo uu gaaro , dad badan ayaa waxaa ay sheegayaan in Askarta oo ay caruurtooda baahanayihiin ku adagatahay in ay guulo u gaaran sida kuwi hore aan Taariiqkhdooda xusno.

Si kataba 12-ka April sanad walba waxaa loo dabaal dagaa aas aaska ciidamada xooga dalka iyadoona magaalada Muqdisho ay maanta ka dhacday  xarunta gaashaandhiga, waana sanad guuradoodii 58aad oo ka soo wareegatay markii la aas aasay oo aheed 1960kii, waxaana ciidanka oo hadda tiro ahaan badan iyo saraakiisha hogaamisa , madaxda dalkana ka marneyn looga fadhiyaa in ay adkeeyaan jiritaanka ciidamada Xooga dalka iyo soo celinta sharafkii iyo guulihii waa lagu yaqiin , eedese maleh marka lafiriyo daruufta jirta iyo halka ay dunida maanta mareyso dhanka qalalaasaha.

W/Q C.qani Cabdulaahi