Uncategorized

Ciidamada Xooga iyo kuwa AMISOM oo fadhiisimo ka sameystay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar

Jowhar-KNN-Ciidamada Militiriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa fadhiisimo ka sameystay deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya degmada Balcad iyo magaalada Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadaan ayaa fadhiisimo ka sameystay deegaanada Gololey iyo Haanshiikh oo ah deegaano ay ku xooganaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Mas`uuliyiinta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay fadhiisimahaan cusub ee ciidamadaan ay ka sameysteen inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ay ugu goleeyihiin ka hirtaga weeraro Jid gal oo horay Al-shabaab ay ugu geysteen wadada isku xirta magaalooyinkaasi, taas oo cabsi badan ku beertay mas`uuliyiinta maamulkaasi oo ku dhawaaday in ay ka go`aan maridda wadadaasi.

Dadka ku sugan deegaanadaas ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay iney ciidamadu fariisimo ka sameysteen hareeraha wadada laamiga.

Al-shabaab ayaa weeraro badan ka geystay wadadaas waxaana weerarkii ugu danbeyay oo dhacay horaantii bishii hore uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay ku dileen ku dhawaad 10 askari oo ka tirsana Ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinga u jooga soomaaliya ee AMISOM  iyagoona sidoo kalana gubay ilaa seddax Gaari oo sahay raashiin ah u waday ciidamada AMISOM ee xarunta ku leh garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Wixii xiligaas ka dambeeyay ayaa Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Militiriga Soomaaliya ay kala hadlayeen muuliyiinta maamulka Hirshabeelle sidii laga yeeli lahaa xaalada wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Maamulka Hirshabeelle, Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo Militiriga Soomaaliya ayaa ugu dambeyn isla meel dhigay in ciidamo la geeyo Gololey iyo Haanshiikh oo ah deegaano ay ku xooganaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Lama oga waxa ay ka badali doonto weeraradii Jid galka ahaa ee dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka geysan jireen wadadaasi.