Uncategorized

Ciidamada Xooga iyo kuwa AMISOM oo howgal kawada wadadda isku xerta M/Beladweyne iyo Buula-burde.

Beladweyne-KNN-Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Xooga iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa Ciidamo ay hor kacayaan maanta ku baxay wadadda dheer ee isku xerta magaalooyinka Beladweyne iyo Buula-burde oo kawada tirsan Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in u jeedka ciidamadaan uu yahay sidii ay isugu furi lahaayeen isku socodka magaalooyinka Beladweyne iyo Buula-burde oo aysan mari karin wadadda dheer ee isku xerta magaalooyinkaasi mas`uuliyiinta Dowlada oo aan wadanin ciidan badan iyo Gaadiid dagaal.

Al Shabaab ayaa ku sugan wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalooyinka Baledweyne iyo Buulo burde, wayna  adag tahay in gaadiidka dowladda halkaasi si nabadgelyo ah ku maraan.

Magaalada Buula-burde ayaa muddo ka badan 4 sano waxaa go`adoomiyay dagaalamayaasha Al-shabaab, waxana Saraakiisha ciidamada Xooga ay tilmaameen in howgalkaan uu yahay mid ay ku doonayaan in go`adoonka looga qaado Magaaladaasi,.

Ciidamada Dowlada ayaa marar badan waxay dhacday in ay sameeyaan howlgal isla markaana ay kula wareegaano deegaano ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab, haddana si iskood ah ay ugu soo baxaan, lama ogga howgalkaan kaalinta uu ka qaadan doono magaalada Buula-burde oo go`adoonka laga qaado iyo in leysku furo isku socodka magaalooyinka Beladweyne iyo Buula-burde.