Uncategorized

Ciidamada Xooga oo Al-shabaab kala wareegay deegaano hoosyimaada G.Baay.

Baydhabo-KNN-Ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa la wareegay Tuulooyin hoosyimaada deegaanka Goofgaduud-Buurey ee Gobolka Baay kadib dagaal culus oo shalay galinkii dambe ka dhacay deegaankaasi, dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Xooga Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab oo horay deegaanadaasi ugu sugnaayay.

Gudoomiyaha Deegaanka Goof-gaduud Xasan Wardheere Xuseen oo la hadlay KNN ayaa kawar-bixiyay dagaalkii shalay Galab Ciidamada Xooga ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Baay, Wuxuuna sidoo kala gudoomiyaha uu sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Dagaalamayaashii Al-shabaab ee deegaanadaasi ay ka saareen.

Xasan Wardheere Xuseen ayaa dhankala balan qaaday in ay dib u soo laaban doonin Ciidamada Lawareegay Tuulooyinka hoosyimaada deegaanka Goofgaduud-Buurey ee Gobolka Baay, isla markaana ay xaqiijin doonaan amaanka deegaanada ay kala wareegeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in maanta ciidamada Xooga ay deegaanadaasi ay kawadaan howgalo xoogan oo lagu baarayo deegaanadaasi oo haray ay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuuna sidoo kala uu tilmaamay in Al-shabaab dhibaato xoogan ay u geysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi hoosyimaada Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Deegaanka Goofgaduud-Buurey Xasan Wardheere Xuseen ayaa ugu dambeyn Shacabka deegaanadaasi ku dhaqan ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Xooga ee la wareegay deegaankaasi, wuxuuna sidoo kale carabaabay in ciidamada ay sii wadi doonaan howgalada oo Al-shabaab ay kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada uu ka arimiyo Maamulka Koofur-Galbeed.