Uncategorized

Ciidamada Xooga oo Al-Shabaab kala Wareegay Degaan hoostaga Magaalada Marko.

Marko-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka abiikaroow oo hoostaga magaalada marka ee gobolka shabeelada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada xooga dalka soomaaliya iyo kuwa amisom ay deegaankaasi kala wareegeen dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab.

Wararka deegaankaasi laga helayo waxa ay sheegayaan in ciidamada iskaashanaya ee shabaabka kala wareegay deegaankaasi ka galeen  labo  jiho oo ay fariisimo horay ugu lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Howgalkani deegaanka abiikaroow lagu galiyay gacanta dowlada soomaaliya deegaanka abiikaroow waxaa fuliyay ciidanka xooga dalka Gaar ahaana Ciidamada Ururka 26_Aad Ee Guutada Sadexaad Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom ee ka Howlgala Shabellaha Hoose.

Talyaha Ururka 26_Aad Ee Guutada Sadexaad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyed G/Sare Xasan Maxamed Abukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay Al-shabaab uga saareen abiikaroow ay ka gacansiityeen ciidamada Amisom.

G/Sare Xasan Maxamed Abukar waxa uu Tilmaamay in Degaanka Abiikarow ay Al-shabaab ku Gumaadi jireen Dadka ku dhaqan Halkaasi

Xooga dalka soomaaliya ayaa gobolo kala duwan oo soomaaliya ah kawada Howgalo Al-shabaab looga saarayo guud ahaan dalka.