Uncategorized

Ciidamada xooga oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabay gobolka Mudug

Muqdisho-KNN-Wararka naga Soo gaaraya degaan hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab manta ka bilaabeen gobalaasi.

Ciidamada Xooga ayaa  waxaa ay howgalada  ka wadaan deegaanada Cammaaro, Bacaadweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, kuwaasi oo la doonayo in guud ahaan Al-Shabaab laga saaro.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan gobalka Mudug ayaa sheegay in howlgalada ay wadaan, islamarkaana maalmaha soo aadan Al-Shabaab ay ka saari doonaan deegaanada ka tirsan gobalka Mudug oo qeybo ka mid ah oo ay maamulaan Al-shabaab.

Generaal Cabdulaahi Aadan Xuseen  oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Qeybta 21-aad, oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa  sheegay in hadda howlgalada ay ka socda aagaga Cammaara,Bacaad weyn iyo deegaanada kale ee hoos yimaada,isagoona dhanka kale shaaca ka qaaday  in xaaladda ay tahay mid degan.