Muqdisho-KNN-Amar kasoo baxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in amniga magaalada Muqdisho gacanta loogu geliyay guutada 14ka Octoober oo katirsan Milatariga Soomaaliya kuwaasi oo haatanba bilaabay inay lawareegaan kontaroolada qaar ee gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedyadaba kuyaaala.
Kontroolada ay lawareegeen ilaa iyo hadda ayaa lagu sheegay inay kala yihiin Siinka-dheer, xerada Maslax, Galgalato iyo kontroolada kuyaala wadada warshadaha sidoo kale kontroolada kale ee gudaha magaalada ku yaala ayaa lagu wadaa in maanta iyo berri ay la wareegaan sida la sheegay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay la kulmay ciidmada guutada 14ka Octoober kuwaasi oo ku dhiira geliyay inay sugaan amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho kadib beryahaan dambe ah oo ay dhacayeen falal amni daro.
Guutada 14ka Octoober ayaa ah Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya kuwasi oo la aasaasay kadib qaraxii weynaa ee ka dhacay isgoyska zeoobe ee magaalada Muqdisho 14 kii octoober ee sanadii lasoo dhaafay.
Ciidamda Xasilinta caasimada ee joogay kontoroolada gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedyada ayaa lagu sheegay in lagu xareen doono xero ku taaala deegaanka Jazeera ee degmada Wadajir ee gobalkaan Banaadir sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Isbedalka lagu sameynayo Ciidamadii sugayay amniga Muqdisho ayaa yimid kadib markii ay bateen cabasho ku aadaan amni darada ka dhacday magaalada Muqdisho xiliyada qaar taasina ay keentay in madaxweyne Fadmaano uu is badela ku sameeyo ciidamda amniga sugaya.