Somali News

Ciidamada Xooga oo sheegay inay gacanta ku dhigeyn dagaalame ka tirsan Al-shabaab

Kismaayo-KNN-Taliyaha  ururka 58Aad ee guutada 11Aad ee qeybta 43 ciidanka xoogga dalka  ee gobalka Jubada Hoose C/fitaax Ibraahim Maxamed ayaa Warbaahinta Ciidanka u sheegay in tuulada Muuse Xaaji ay kula dagalameyn Al-shabaab isla markaasine Al-shabaab looga dilay 11 dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale taliyaha waxa uu sheegay in gacanta ciidamada xoogga dalka ay ku dhigeyn sarkaalkii ka tirsan Al-shabaab  u qaabilsanaa tuuladaasi kaasi oo lagu magacabo Cali Cabdullahi Sadiiq.

Taliyaha oo sii hadlayay  ayaa waxaa uu sheegay in degaanka Baarsanguuni  ay kusoo bandhigeen sargaal  sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab kaasi oo Shabaab kasoo goostay.