Uncategorized

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Beladweyne-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgal Ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Deegaanada ciidamada xoogga dalka howgalka ay sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanada dhaca Koofurta magaalada Beladweyne iyo Waqoyga magaalada Buulla-burde ee gobolkaasi waxaana deegaanadaas ka mid ah Hees, Ceelow, Maquuf, Yabaarayeelle, Sheekh, Dhir-maale, Afar-irdood, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha hogaamineysa ciidamada howgalka wada.

Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo sii socon doono ilaa deegaanada gobolka Hiiraan ay weli ku harsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab laga saarayo.

Maalmihii dambe ayaa deegaano hoosyimaada gobolka Hiiraan waxaa howgallo ka waday qaar ka mid ah ciidamada xoogga ee gobolkaasi iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ciidamadaan ay sheegeen in howgaladii ay wadeen ay kula wareegeen deegaano dhowr ah kuna dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.