Somali News

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ka dhacay G/shabelle dhexe ku dilay xubno ka tirsan AL-shabaab

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deeggaano kamid ah gobolka Shabeelaha dhexeee maamulka hiirsahbelel waxa ay shegeen in ay .ku dileen  xubno ka tirsan dagaalamayaasha AL-shabaab.

Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa ay ciidamada uga sameeyeen tuulooyinka Mareerey, Sabuun, Baaroow Madiina cade , Gaaleef iyo Buurdhee, iyo deegaano kale oo katirsan shabeelada dhexe,

Ciidamada xoogga ayaana sheegay in howlgalkaas ay sameeyeen lagu burburiyey goobo ay al-shabaab kusoo diyaarin jareen weerarada ay geysanayaan waxaana ay sheegeen in howlgaladaas lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan AL-shabaab tiro intaas ka badana ay lagu dhaawacay dagaalkaas.

Ku-simaha Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan “Xasan Tuure” oo lahadlay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamadda Qalabka Sida  ayaa sheegay in howlgalkaas ay ciidamada DF ka sameeyeen gobolka Shabeelaha dhexe  looga dilay AL-shabaab 9-dagaalame islamarkaana ay ciidamada dowladda sii wadi doonan dagaalka lagula jiro al-shabaab.

Ciidamada xoogga ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyey howlgalada ka dhanka ah AL-shaabab kuwaas oo ay ka sameynaayeen gobolka Shabeelaha dhexe  iyadoo hore ciidamada iyo AL-shabaab dagaal ku dhex maray gobolkaas lagu dilay ku dhawaaad 100 dagaalame sida dowladdaa sheegtay waxaana weeradaradas dadkii ku geriyooday dhanka dowladda kamid ahaa saraakiil sare oo katirsan ciidanka gorgor.

Dwoladda soomaaliya ayaa dhankeeda ka gaabasatay shaacinta khasaraha ka soo gaaray howlgalkaan Al-shabaana kama hadal weli.