Somali News

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgalo hada ka wada qeybo Kamid ah G/Hiiraan.

Ciidanka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo lagula dagaalamaayo Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan oo qeybo kamid ah ay ku xooggan yihiin Al-shabaab.

Deegaanada ay howlgalada ka wadaan ciidamada xoogga xiligan waxaa kamid ah Aboorey,  Beero-yabal, Wariirey, Galboocale iyo Yasooman, oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgalada ay ciidamada xoogga dalka ka wadaan deegaano iyo degmooyin kamid Hirshabeelle oo Al-shabaab joogaan deegaano kamid ah gobolkaas.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka General Maxamed maxamud  calasow (Tareedisho )oo Hor kacaya howlgaladan ayaa sheegay in ciidamada ay wadaan howlgalo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Hoos ka eeg Sawirada Howlgalka