Somali News

Ciidamada xoogga dalka oo howlgalo ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidmada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saaka waxa uu dagaal ku dhex maray deegaano u dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb dagaalkaas oo ciidamada xoogga ay ka sheegteen guulo.

Inta la xaqiijiyey  8 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ayay ciidamadu kudileen howlgal ka dhacey inta u dhexeysa Ceeldheere iyo Tuulo-xaayoow oo dhaca inta u dhexeysa laamiga xiriiriya Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Saraakiisha howlgalka qeybta ka ahaa ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay rabeen iney wadada  ay miino galiyaan balse ay ciidamadu goobtaasi ku weerareen waxaana lasoo warinayaa in laga furtay Al-shabaab ku dhowaad 10-qori oo ah boobayaal.