Somali News

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay gacan ku heynta Bariire

Afgooye-KNN-Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii hore ka dhacay magaalada Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa baahisay in Ciidamada xoogga dalka ay Al-Shabaab kala wareegeen Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Warar soobaxaya ayaa sheegaya in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, wallow aan wali laxa qiiji Karin khasaaraha rasmigaa ee dagaalkaas ka dhashay.

Deegaanka saakay ay Ciidamada xooggu la wareegeen ee Bariire ayaa u jira degmada Afgooye qiyaastii 30KM, mudo badan deegaankaas waxaa haytay Ciidamada xoogga kol hore ayayna iskaga soobexeen waxaana mudooyinkii danbe ka ariminayay Al-Shabaab.