Somali News

Ciidamada Xoogga iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay qoryoolay

Qoryoolay-KNN-Sida ay Sheegayaan Wararka dagaal u dhexeeya  Ciidamada xoogga oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab uu   ka dhacay  qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha hoose  gaar ahaan degmada Qoryoolay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab Wadada u galeen Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM,waxana goobjoogayaal  ku sugan Duleedka Degmada qoryoolay  ay sheegayaan  in mudo saacad ku dhow u halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidmada AMISOM  iyo Dagaalamyaasha Al-Shabaab.

Dhinacyada dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in khasaaro uu soo gaaray,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogaan Karin khasaarahaasi.

Guddoomiye xigeenka Amniga Qoryooley Maxamed Cabdi Gaashaan oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay dagaal ka dhacay degmadaasi.

Dhanka kale Al-shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen in ay khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM.