Somali News

Ciidamada xoogga iyo booliska oo ku dagaalamay Kaxda.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Kaxda  ayaa sheegaya in Maanta Ciidamo ka tirsan Milatariga iyo Booliska Soomaaliya ay  ku dagaalameen  degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob la sheegay in ay Isbaaro u taalay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya,kadibna  ciidamada kale ay iska caabiyeen ciidankii weerarka soo qaaday.

Dadka ayaa KNN u sheegay dagaalka uu ka dhacay halka loo yaqaano MCH-ka, oo ka tirsan degmada kaxda ee gobalka banaadir, iyadoona la sheegay in Ciidanka Booliska ayay la wareegay goobtii ay joogeen Ciidanka Xoogga dalka.

Inta la ogyahay  labo Askari oo ka tirsan Ciidamada xoogga ayaa ku dhintay , iyadoona la sheegay in dhaawac  uu soo gaaray Ciidanka Booliska.