Somali News

Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degaano ka tirsan Hiiraan.

Beledweyne-KNN-Ciidamada huwanta ayaa waxaa ay la  wareegeen deegaano hor leh oo dagaalamayaasha Al-Shabaab horey ay u maamulayeen.

Degaanada ay la wareegeen ayaa waxaa ay ku yaalaan Duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Dadka degaanka Ayaa KNN u Sheegay in cabsi badan ay soo wajahday Shacabka ku nool Degaanada ay hada la wareegeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Ciidamada huwanta ay u suura gashay in ay gudaha u galaan Tuulooyin u dhow Deegaanka Booco oo halkaasi ku taalo Maxkamada ugu weyn ee Al-Shabaab.

Shalay ayaa Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM waxaa ay ka dhaqaaqeen Magaalada Beledweyne, iyagoona qorshahoodu ahaa in ay gacanta ku dhigeen Degaano ay joogaan Shabaab, Inkastoo la soo wariyay in Dagaal uu dhexmaray Ciidamada huwanta iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.