Somali News

Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka sameeyay xadka Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud

Ciidamada deegaanka oo kaashanaya Xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay saacadihii la soo dhaafay deegano dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe.

Saraakiisha Ciimada ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyo ay dagaalameyaasha Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada howlgalka laga sameeyay.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in ay xoojin doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.