Somali News

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland dhaq dhaqaaqyo ka wada Jamaame.

Kismaayo-KNN-Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay dhaq-dhaqaaqo militari ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose.

Ciidamada is garabsanaya ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku wajahan yihiin Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaasi oo in muddo ah ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa KNN u sheegay in Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga ay ku sii jeedaan deegaanada Gobolka Jubadda Hoose ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ayaa shalay  Al-shabaab ka saaray deegaanada Araare, Balad-Raxma iyo Kobon oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi Saldhigyo ku lahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.