Somali News

Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Kismaayo-KNN-Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamada Jubbaland ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Jamaame sida Bandar-Jadiid,Maleelay,Janaala-Jaay,Koban,Araale oo dhamaantood ah deegaano dhaca wabiga Jiinkiisa.

Ciidamada Jubbaland oo kaabiga u saaran degmada Jamaame ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bandar-Jadiid Janaala-Jaay iyo Maleelay.

Tira ka mid ah Malleeshiyaadka ayaa howl-galka lagu khaarajiyay sida uu sheegay Afhayeenka Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibarahim Xuseen Weerarkii waxaa lagu dilay ilaa 13 ka mid ah dagaalamayaasha Al shabaab.

Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa ka soconaya howlgal qorsheysan oo wadaan ciidamada xoogga iyo kuwa maamulka Jubbaland.