Somali News

Ciidamada Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Baardheere-KNN-Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo ee  Koonfurta Soomaaliya ayaa Ciidamada xoogga dalka waxa ay ka sameeyeen  howlgallo ay ku baacsanayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaano badan oo hoos taga degmada Baardheere ayay Ciidamadu kala wareegeen gacan kuheynta Al-Shabaab, kuwaas oo mudo ay maamulayeen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa intii uu socday waxaa la sheegay in lagu soo qabtay Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa Saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin tuulooyin ku dhow degmada Baardheere.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Cabdullaahi Nuur Xasan Cadow ayaa sheegay in howlgalkaan ay markii hore kasoo bilaabeen deegaano hoostaga degmada dhoobleey,isla markaana ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

sidoo kale Taliyaha Ururka 49aad ee Ciidamada xoogga dalka Cali Maxamed ayaa sheegay in u jeedkoodu ahaa in deegaanada hoostaga dehmada Baardheere laga saaro Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen gacan kuheynta Tuulo lagu magacaabo Cali Xareed iyo tuulooyin kale, masheegin taliyuhu in dhankooda wax khasaare ah uu ka soo gaaray howlgaladaas.