Uncategorized

Ciidamada Xoogga oo Dad Badan u soo Qab-qabtay Weerarkii Shalay ka dhacay Bariiri.

Bariiri-KNN-Wararka naga soo gaaraya degaanka bariiri ee gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada federaalka soomaaliya ay maanta howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo Halkaas ay kawadaan.

Dadka Deegaanka oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay dad badan gacanta ku soo dhigeen,islamarkaana ay howlgalo kawadaan deegaanka bariiri ee gobalka shabeelaha hoose.

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee hogaaminaya Howlgalka ayaa noo sheegay in maanta ciidamada dowlada ay howlgalkaas wadaan,islamarkaana ay faahfaahin ka bixin doonaan saacadaha soo aadan,tirada rasmiga ah ee howlgalkaas lagu soo qab-qabtay.

Warar kale oo Madax banaan ayaa Sheegaya in Ciidamada Xoogga ay gacanta ku dhigeen Dad la Sheegay inay ka dambeeyeen Weerarkii Shalay Ciidanka Xooga lagu qaaday xili ay ku sugnaayeen Fariisan ku taala degaanka bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa Shalay Weerar ku bilowday Qarax ku qaaday Ciidamada Xoogga Dalka oo Sugnaa Saldhig ku yaala Deegaankaas,iyadoona ay Jiraan khasaaro badan oo soo Gaaray Dhinacyadii Halkaas ku dagaalamay,Sida ay noo Xaqiijiyeen Madaxda ugu sareysa ee Maamulka G.Shabeelaha Hoose.