Somali News

Ciidamada xoogga oo deegaan ka tirsan Sh/Dhexe ku dilay madaxii deegankaas iyo dagaalamayaal

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in ay ciidamadu ku dileen dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab iyo madaxii Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha Ururka 65-aad, guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, Kabtan Cali Yuusuf Macallin oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in nin lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed Abuukar oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaankaas iyo dagaalamayaal kale ay ku dileen howlgalka.

Taliyaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu si gaar ah u fuliyay howlgalkaas, kaddib markii uu weerar ku qaaday saldhigga deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab, isagoo halkaas ku dilay madaxii ugu sareeyay iyo dagaalamayaal kale, halka uu weerarkaas ku dhaawacay kuwo kale.