Somali News

Ciidamada xoogga oo dhaq-dhaqaaqyo ka wado Shabeellada hoose.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Danab ay saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay  ka wadaan inta u dhexeysa Wanla weyn iyo garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen garoonka Balli-Doogle,halkaasi oo ay joogaan ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saakay in ay arkeen ciidamo aad u hubeysan oo dhaq dhaqaaqyo ka wado inta u dhexeysa Wanla weyn iyo garoonka Balli-doogle ee gobalka shabeellada Hoose.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellada hoose ayaa KNN u sheegay in ujeedka dhaq dhaqaaqan uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada ka tirsan gobolka shabeellada hoose, islamarkaana laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.