Somali News

Ciidamada Xoogga oo dilay nin Miino ku aasay deegaanka Daynuunay

Taliska Ciidamada Xoogga gaar ahaan ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad ee sugan gobolka Baay ayaa sheegay in deegaanka Daynuunay ay ku  dileen dagaalame ka tirsan Al-shabaab oo halkaasi ku aasay Miino.

Ciidamada Howgallo ballaaran ka sameeyay deegaanka Daynuunay ayaa tilmaamay in ninka la dilay isaga oo ku howlan Miino uu ku aasayay agagaarka Saldhiga Askarta ay deegaankaasi ku leeyihiin.

Talyaha Ciidamada Xoogga gaar ahaan ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad, Daahir Macalin Cali ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Howlgallada ay kawadaan gobolka Baay.

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay xubintan ka tirsan ee Miinada ku aasayay deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay.