Somali News

Ciidamada Xoogga oo G/Bay ku dilay dagaalamayaal Shabaab ah.

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku dagaalameen duleedka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoona khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.

Maxamed Ibraahim Nuur Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab ay gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ayy dagaalka ugu dileen 6 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hub ay ka furteen Al-Shabaab.