Somali News

Ciidamada Xoogga oo Gobolka SH/Dhexe ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Kadib markii ay ciidamada xoogga dalka howlgalo ka sameeyeen deegano ka iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa saraakiisha hogaamineysay waxa ay sheegeen in khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha AL-shabaab.

 deegaanada ay sida gaarka ah uu dagaalku ku dhex maray ciidamada DF iyo AL-shabaab waxaa kamid ah deegaanada kala ah Aqab-duco, Wararx leey ,Cali-fooldheere, quracmadoobe, Jilible, qoordheere, Deylabolo, Wardhagax iyo War-ciise oo dhamaantood ka tirsan  gobolka Sh/dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Col:Cali Xaashi ayaana  Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 100 Xubnood oo ka tirsan AL-shabaab  tiro intaaas ka badana ay ku dhaawaceen dagaalkaas ay la galeen AL-shabaab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay deegaanadii lagu dagaalamay  ay howlgalo ka wadaan, iyadana dadkii deganaa degaannada lagu dagaalamay ay isaga barakaceen.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhowrkii maalin ee la soo dhaafay waxa ay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha AL-shabaab ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka SH/dhexe kuwaas oo ay sheegeen in ay gaarsiiyeen khasaaro kala duwan.