Somali News

Ciidamada Xoogga oo howlgallo ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

Ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Al-shabaab kala wareegay Gacan ku haynta deegaanka Eel-Boon Oo Qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool.

Howlgalka xoreynta Eel – Boon ayaa ciidamada ku qabsadeen Gawaari ay u isticmaalayeen Al-shabaab.

Dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260aad Ee Guutada 9aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada howlgalka sii wadi doonaan.